spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Kawada Hadleen Soomaaliya iyo Hindiya ?

Khamiis 13 June 2024 {HMC} –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya.

“Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya.

Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa.

Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo.

Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg.

WARARKA