spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo qiimeynaya jawaabta Xamaas ee qorshaha xabadjoojinta

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Kooxaha hubeysan ee Falastiin waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis balse waxay si gaar ah u muujiyeen in ay u baahan yihiin in Israel ogolaato xabadjoojin rasmi ah.

Israel weli kama hadal balse sarkaal magaciisa la qariyay ayaa sheegay in jawaabta Xamaas ay u muuqato diidmo. Masar iyo Mareykana oo dhexdhexaadinaya heshiiska ayaa doonaya in qorshaha la hirgeliyo. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, wuxuu talaadadii sheegay in ra’iisul wasaaraha Israel u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay heshiiska, Xamaasna ay mas’uuliyadda qaadeysa hadii aan wax horumar ah laga gaarin.

Mr Netanyahu si cad uma aqbalin qorshaha uu madaxweyne Biden ku sheegay in Israel ay la timid markii uu soo bandhigayay 12 maalmood ka hor.

Hadal kooban oo ay soo saartay Xamaas ayey si cad uga jawaabtay xabadjoojinta taas oo soo jiidatay taageero balaaran oo caalami ah. Xamaas waxay ku celisay dalabkooda ah in si buuxda loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in ciidamada Israel ka baxaan dhulka Falastiin.

Sarkaal Xamaas ka tirsan, Cisaat Al-rishqi, ayaa sheegay in jawaabta ay tahay mas’uuliyad, ayna furtay dariiq hehsiis lagu gaaro. Ra’iisul wasaaraha Israel lagama hayo jawaab rasmi ah oo tixraac leh.

Balse hadalka Israel waa mid uu sheegay sarkaal magciisa qarsoodi yahay kaas oo sheegay in Xamaas ay beddeshay dhammaan arrimahii ugu muhiimsanaa iyadoo diiday qorshaha lagu sii deynayo la haystayaasha ee uu sheegay madaxweyne Joe Biden.

Qatar iyo Masar hadal ay wadajir u soo saareen ayey ku sheegeen in ay eegayaan jawaabta Xamaas, ayna la xiriirayaan dhinacyada ay quseyso wixii laga yeeli lahaa. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadayaan dadaalada dhexdhexaadinta ilaa inta heshiis laga gaarayo.

WARARKA