Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Cali Guudlaawe oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

Arbaco june, 12, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Mudane Maxamed Faarax Cali oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Guudlaawe ayuu ugu magacaabay Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud Yuusuf Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa faray Wasiirka cusub inuu dardargeliyo howlaha baaxada leh ee hortebinta u leh Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

WARARKA