Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

booliiska gobolka Banaadir oo soo xiray nin dhallinyaro ah oo baraha bulshada ka waday dhaqanxumo

Sabti june, 08, 2024 (HMC) –  Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa maanta soo xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka waday waxyaabo dhaqanxumo ah oo kasoo horjeeda anshaxa iyo diinta islaamka.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada xireen Akram C/Salaan Cabdullahi 22 jir, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu baraha bulshada gaar ahaan Tiktok ka waday falal dhaqanxumo ah .

Booliiska gobolka Banaadir ayaana ka codsaday dadka ku dhaqan caasimadda in booliiska kusoo wargaliyaan dadka dhaqanxumada dadka ku dhax wada, si dadkaasi loo soo qabto loogana qaado tallaabooyinka ku haboon.

Ciidanka booliiska ayaa horey magaalada Muqdisho ugu xir xiray dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka wadeen kicin bulsho iyo sidoo kale falal dhaqanxumo ah, waxa ayna booliiska ku hanjabeen in ay soo qaban doonaan cid kasta wax gef ah ku kacda.

WARARKA