Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale oo ka socda Dagaal dhiig badan ku daatay

Sabti 8 June 2024 {HMC}  Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa tan iyo saakay waabarigii ka socda deegaan lagu magacaabo Laandheer oo u dhexeeya labada degmo.

Maleeshiyaadka dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ahaa mid saacadbo saacada kasii dambeysa sii xoogeesanayay ayna isku soo gurmanayeen dhinacyada dagaallamaya.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka saacadaha badan ka socda deegaanka u dhaxeeya Xeraale iyo Caabdudwaaq, dadka ku dhaawacmay dagaalka iyo kuwa ku dhintay ayaa la geeyay isbitaaladav labada degmo iyo goobo kale.

Ciidamo katirsan booliiska Galmudug oo ka kala baxay Caabuwaaq iyo Xeraale ayaa ku guul dareestay in dagaalka qaboojiyaan, waxaana lasoo warinayaa in dagaalka ay ku dhinteen askar uu ku jiro taliye kuxigeenkii saldhigga booliiska degmada Caabudwaaq .

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dagaalka dhiigga badan ku daadanayo ee saakay ka socda deegaanno maamulkaasi katirsan, labada beel ee dagaalka u dhaxeeyo ayaana marar badan sidaan oo kale horey ugu dhax maray dagaallo rag badan kudhinteen.

WARARKA