spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaale oo Dhagax Dhigay Xaruun cusub oo aay Yeelaneeyao degmada Wadajir

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta  dhagax-dhigay dhismaha cusub oo ay yeelaneyso xarunta degmada Wadajir, taa oo lagu dhisi doono iskutashi dadweyne oo qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal Dollar.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale sida uu had iyo jeer u dhiiragalinayo horumarista caasimaada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in ay isku tashtaan oo dalkooda dhistaan, islamarkaana ay ka maarmaan gacmaha shisheeye.

Xarunta degmada Wadajir ayaa horey ugu bur burtay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al Shabaab ku qaaday, waxaana hadda la filayaa in xarunta degmada loo dhiso si ka qurux badan sidii ay markii hore aheyd.

WARARKA