Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xarumaha Shirkadda Maraykanka ee KFC Restaurants oo la weeraray

Talaado june, 04, 2024 (HMC) –  Koox dibadbaxyaal ay ku jireen dabley hubeysan ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay weerareen dhowr farac ee maqaayadda caalamiga ah ee KFC ku leeyihiin caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Xarumaha laga cunteeyo ee shirkadda Maraykanka ee KFC ee la weeraray ayaa waxay ku kala yaallaan waddooyinka Plastine Street, Karada Street iyo Jadriya Street ee magaalladda Baqdaad.

Weerarkaasi oo aysan cidna wax ku noqon waxay dibadbaxyaasha burburiyeen kuraasta, miisaska iyo qalabka kale ee yaallay Baararka la weeraray.

Tiro badan oo ciiddanka amniga ayaa la sheegay inay kala cayriyeen dibadbaxayaashii, iyagoo u adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Weerarkii xalay lagu qaaday xarumaha laga cunteeyo ee shirkadda Maraykanka ee KFC ayaa ah weerarkii 3-aad ee 10-kii maalmood ee la soo dhaafay lagu qaaday qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ajaaniibta ku leeyihiin caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee May, faraca baararka shirkadda KFC ku leeyihiin shabaha Palestine Street ee magaalladda Baqdaad ayaa waxaa lagu tuuray bam-Gacmeed nooca guryaha lagu farsameeyo .

WARARKA