Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaali badan oo maxkamada lasoo taagay kadib markii lagu eedeyay……

Talaado 4 June 2024 {HMC} Mid ka mid ah xeer-beegtida go’aanka ka gaareysa kiiska maxkamadda Soomaali ku eedeysan inay malaayiin dollar ka xadeen dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in haweeney ay gurigeeda ugu keentay $120,000, si ay ugu codeyso inaysan dambi laheyn toddoba ka mid ah eedeysanayaasha.

Haweeneydan oo hadda laga saaray xeer-beegtida ayaa waxay sheegtay in sidoo kale haweeneyda lacagta u keentay ay u ballan-qaaday lacag dheeraad ah, haddii dambi lagu waayo toddobada qof oo ku eedeysan inay $40 milyan ka xadeen barnaamij loogu talo-galay in caruurta lagu quudiyo intii lagu jiray COVID-19.

“Tani gabi ahaanba waa ka baxsan tahay anshaxa,” Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joseph Thompson ayaa maxkamadda ka sheegay Isniintii. “Tani waa dhaqan aad looga xumaado. Tani waa wax ka dhaca filimada mooryaanta.”

Toddobadan qof ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee 70 eedaysane oo la filayo in maxkamad la soo taago, iyadoo la rumeysan yahay in lacagta guud ee la xaday ay gaareyso $250 milyan.

Sideed iyo toban kale ayaa qirtay dambiga, waxaana mas’uuliyiinta ay sheegeen inay dib usoo celiyeen $50 milyan oo ka mid ah lacagta lagu xaday kiiskan, oo ah mid ka mid ah kuwii ugu xatooyada badnaa ee kiiska la xiriira COVID-19.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in qayb yar oo ka mid ah lacagtaas ay ku baxday quudinta carruurta dakhliga qoysaskoodu yar yahay, halka inta soo hartay lagu kharash gareeyay iibsashada baabuurta raaxada, dahab, safaro iyo guryo.

Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo billaabatay bishii April, qareennada difaaca ayaa su’aal galiyay tayada baaritaanka FBI-da, waxayna soo jeediyeen in tani ay noqon karto kiis la xiriira dhibaato xagga diiwaan-gelinta ah ee aanu aheyn khiyaano, ayada oo deg degta barnaamijka ku socday dartiis laga yaabo inaysan eedeysanayaasha watqi u helin inay saxaan diiwaankooda.

Toddobadan eedaysane ee bilowga ah waxay ku xirnaayeen maqaayad ka qayb qaadatay barnaamijka gargaarka cuntada. Kuwa weli sugaya maxkamadaynta waxaa ka mid ah Aimee Bock, oo ah aas-aasaha hay’adda Feeding Our Future, oo ah hay’adda xudunta u ah fadeexadda.

Xeer-beegtida 23-jirka ah ayaa sheegtay inay isla markiiba ku wareejisay boorsada lacagta ah booliska. Waxay sheegtay in qof dumar ah ay uga tagtay soddogeed Axaddii una dhaaftay fariinta ah inay heli doonto boorso kale oo lacag ah haddii ay u codayso in la sii daayo toddobada eedeysane, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Star Tribune ee Minneapolis.

Qareenka difaaca Andrew Birrell ayaa u sheegay garsooraha in boorsada lacagta caddaanka ah ay tahay “eedeyn murugo iyo caro leh.”

Ka hor inta aan la sii wadin kiiska, garsoore Nancy Brasel ayaa su’aalo weydisiay 17 kale oo ka mid ah xeer-beegtiida, haddii ay jiraan xiriiro aan anshax aheyn oo lala soo sameeyey, balse midkoodna ma sheegin.

Lacagta la tuhunsan yahay in la xaday ayaa ka timid Waaxda Beeraha Mareykanka, waxaana maamulayey Waaxda Waxbarashada gobolka. Ururada aan macaash doonka aheyn iyo kuwa ku xiran ayaa lacag lagu siiyey inay quudiyaan caruurta qoysaska saboolka ah.

WARARKA