Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya Iyo Koonfur Kuuriya oo heshiiskii ugu ballaarna Kala Saxiixtay

Isniin 3 June 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Koonfur Kuuriya Yoon Suk Yeol ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar.

Heshiiska qaab dhismeedka maal-gelinta ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Madaxda ka socotay Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadalo laba geesood ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u dhaxeeya guddiga anshaxa federaalka iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Itoobiya iyo guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Wafdiga Itoobiya ayaa qeyb ka ah shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, kaasi oo sanadkan ka dhacaya magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi Koonfur Kuuriya.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Si kastaba, heshiiskan ku kacaya 1 bilyan dollar ee Koonfur Kuuriya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad dhaqaale xumo, ayna gudaheed ka taagan yihiin xasarado dagaal iyo xaalado bini’aadantinimo oo is-biirsaday.

WARARKA