Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay Guddoomiyaal Degmo ammar cusubna siiyay

Isniin 3 June 2024 {HMC}  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Wabari.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee maamulada degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waabari, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la-dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Ugu danbeyntii waxa uu Duqa Muqdisho faray Madaxda maamulada degmooyinka Xamar jajab iyo Waabari in si dhaw looga war haayo bulshada ku nool Degmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana bilaabay la xisaabtanka maamulada degmooyinka, waxa uuna shalay sidaan oo kale ula xisaabtamay guddoomiyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

WARARKA