Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Isreal oo hanjabaad udiray Netanyahu kadib markii….

Isniin 3 June 2024 {HMC} Wasiirro mayal-adag oo katirsan xukuumadda Israel ayaa ku hanjabay in ay ka bixi doonaan ayna bur burin doonaan isbaheysiga talada haya, haddii Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu uu aqbalo xabbad-joojinta uu ku dhawaaqay Madaxweyne Biden.

Wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa si cad u sheegay in ay kasoo horjeedaan heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Xamaas, waxa ayna xuseen in heshiiska ka horreeyo in marka hore la bur buriyo Xamaas.

Waxa ayna wasiiraddan uga digeen Ra’isul Wasaaraha Israel in uu aqbalo hindisaha xabbad-joojinta uu soo jeediyay Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxa ayna sheegeen in haddii uu aqbalo qorshahan Ra’isul Wasaaraha ay kahor imaan doonaan.

Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa u sheegay Ra’isul Wasaaraha in aanu kasii mid ahaan doonin xukuumadiisa, hadii dawladdu ogolaato qorshaha la soo jeediyay ee soo afjaraya dagaalka, iyada oo aan la burburin Xamaas oo aan soo celin dhammaan la haystayaashii .

Ra’isul Wasaaraha Israel oo cadaadis xooggan kala kulmaya Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa aqbalay heshiiska xabbad-joojinta, waxa uuna sheegay in aysan jiri doonin xabbad-joojin joogta ah ilaa laga bur buriyo awoodda Xamaas lana daayo dadka ay heestaan.

WARARKA