Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

PUNTLAND oo fulisay howlgal lagu xoojinayay amniga magaalada Boosaaso.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.

Howlgalkan ayaa ujeedkoosa waxa uu ahaa mid lagu xoojinayay amniga magaaladaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo lagu hayo baaris.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa si gaar ah loogu eedeynayaa inay Daacish u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale waxaa saraakiishu ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlgallada amniga xaqiijinta, si looga hortago weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo howlgalladan si wayn looga dareemay magaaladaasi, sida ay soo wariyeen dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Puntland ayaa kordhiyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxda daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

WARARKA