Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaale oo kulan isla xisaabtan Ah La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Banaadir

Axad 2 June 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh}.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.

 

WARARKA