Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Safaaradda Jarmalka oo faafisay warqad fadeexad weyn ku ah Masuuliyiin ka tirsan DF.

Axad 2 June 2024 {HMC} Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku beenisay qoraal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada oo ka hadlayay aqoon-darro dhinaca luuqadda Ingiriiska ah oo haysata qaar ka mida wasiirada iyo mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warqadda ayaa waxaa ku qornaa mas’uul ka tirsan safaaradda oo ka cabanaya is-fahan darro ka dhex-taagan ayaga iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, oo uu u sababaeeyey luuqaddooda Ingiriiska oo aad u liidata.

Wuxuu si gaar ah u xusayaa, sida warqadda ku qoran, wasiirka difaaca Soomaaliya oo mar ka carooday kadib markii ay is-fahmi waayeen, kadibna uu wax ka sheegay luuqaaddiisa Ingiriiska.

Si kastaba, qoraalka Safaaradda Jarmalka ayaa lagu caddeeyay in Qoraalka (MEMO) ee laga faafiyay Safaaradda Jarmalka uu yahay been abuur la dhoodhoobay, isla markaana qofka magaciisa lagu xusay qoraalka uu sanado ka hor ka tegay safaaradda.

“Safaaradda Jarmalka waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay xafiiskeenna uu yahay been-abuur. Qofka magaciisa ku xusan Qoraalkana uu safaaradda ka tagay sannado ka hor,” ayaa lagu yiri warka safaaradda Jarmalka ee Somaliya.

Qoraalka ayaa waxaa faafintiisa ka qeyb qaatay taageerayaasha xubno caan ka ah baraha bulshada, kooxda nabad iyo nolo lee madaxweyne Farmaajo iyo shacab kale.

Ma cadda xaqiiqda dhabta ah ee warqadda, haddii ay abuureen xubno kasoo horjeeda dowladda federaalka, iyo haddii uu dhab yahay balse markii fadeexadda dhacday la beeniyey.

WARARKA