Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Nisa oo Gacanta Kusoo Dhigtay Xubno ganacsato Ah oo u hoggaansamay Amarka AS.

Sabti june, 01, 2024 (HMC) –  Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Al Shabaab si dhuumaaleysi ah baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah,ayaa gacanta kusoo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda,waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee AS ay ku doonayaan in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa sheegtay in uu waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin AS  “Ayaa Lagu Yiri Qoraal Kasoo Baxay Nisa.

Hoos Ka Aqriso

 

WARARKA