Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo duqayn ka fuliyay deegaanada Puntland + khasaaraha ka dhashay.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha AS iyo 20 ka tirsan ah.

WARARKA