Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Bilaabay Furista Waddooyinka xiran

Khamiis 30, May 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee maamukada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaana looga hadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka, goobaha adeega bulshada iyo qorshaha maareynta bulaacadaha.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sii wadida furista wadooyinka sida sharci darrada loo dhistay si bulshada loogu fududeeyo isku socodka, La-dagaalanka ama suulinta Geed Yahuudka oo dhibaato xoogan ku haaya Bulshada & Bay’adda, iyadoona la iskula xisaabtami doonno Nadaafada iyo Bilicda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa madaxda Degmooyinka kula dar-daarmay in bulshada loo turo adeeg hufanna la gaarsiiyo, asigoona faray in loo diyaar garoobo weyneynta Maalmaha Xorriyadda.

WARARKA