Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka dalka Kenya u jooga Soomaaliya

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo.

Kulanka ayey Xamse Barre iyo safiirka Kenya uga wada hadleen xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi.

Danjiraha ayaa Dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

WARARKA