Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS iyo Doowladda Liibiya oo kawada hadlay xaalada Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi.

Kulankan dhax maray wasiirka iyo siihayaha safiirka dalka Liibiya ayey uga wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.

Intii lagu gudo-jiray kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah, waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda .

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay fududeynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danaynaysa in ay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalkooda oo ay muddo ka maqnaayeen.

Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor ciidamada ammaanka dalka Liibiya soo bad baadiyeen muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo muddo sannado badan ah afduub ahaan u heesteen kooxaha magafayaasha loo yaqaan.

 

WARARKA