Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Trump oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Israa’iil haddii dib loo soo doorto

Talaado 28, May 2024, {HMC} Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay deeq bixiyayaasha ugu badan Yuhuuda ee maalqabeenada ah ee ku nool Mareykanka.

Waxaa uu u ballanqaaday haddii dib loo doorto, in si qasab ah loo kala eryi doono mudaaharaadyada iyo dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta lagu taageerrayo ee ka socda gudaha Mareykanka.

Wuxuu intaa ku daray inuu sidoo kale ka masaafurin doono Mareykanka Ardayda ajnabiga ah ee ka qayb qaatay mudaaharaadyada jaamacadaha Mareykanka ee looga soo horjeedo xasuuqa ay gaysanayso Israa’iil.

Toddobaadkii hore, ayuu sidoo kale Trump u diray Israa’iil La-taliyayaashiisa iyo koox ka mid ah kuwa u ololeeya oo la kulmay Netanyahu iyagoo la wadaagay ballanqaadka Trump ee taageerrada dagaalka Qasa.

Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo afartii sanaba mar la qabto ayaa lagu wadaa in dabaqaayada sanadkan la qabto, waxaana ku loolami doona Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweynaha talada haya Joe Biden.

WARARKA