Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxda Puntland oo kulan xasaasi ah la qaaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Lama sheegin wax go’aano ah oo ka soo baxay kulanka hase ahaatee Guddigan ayaa horey qeybo ka mid ah Puntland ugu qabtay doorashooyinka goleyaasha degaanka oo ay ku tartameen axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Puntland kuwaasoo guul ku dhamaaday, bilow iyo aasaas wanaagsana u noqday nidaamka dimoqraadiyada Pun tland.

WARARKA