Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo Saraakiisha ATMIS Kala Hadlay Dardargalinta Amniga

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay, saarkiisha cidamada ATMIS ee Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo.

Shirkan oo ka qabsoomay xerada ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha Jubaland, Wasiirka Amniga, wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka bada Jubaland iyo wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo xasiloonida degmada iyo inay ciidanka ATMIS-Kenya sii labo jibaaraan dadaalkooda ka qayb qaadashada amniga.

Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee Jubaland ayaa uga mahad celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkooda naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadda Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Jubaland.

WARARKA