Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

12 sano kadib, Sucuudiga oo si toos ah usoo celisay xiiriirkii kala dhaxeeyay Syria.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Sucuudiga ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay magcaabeen danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirayaan dalka Syria, ka dib markii ay 12 sano ka hor xidhiidhka u jareen dalka Syria. Tallaabadan ayaa noqonaysa mid muujinaysa xidhiidhka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Syria dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta.

Faisal al-Mujfel, ayaa noqonaya danjirhii ugu horreeyey ee ka socda dalka Sucuudiga muddo 12 sannadood ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga.

Sannadkii hore ayaa dawladda Syria dib loogu ogolaaday ururka Jaamacadda carabta ka dib markii xubinimada dalkaas la hakiyey sannadkii 2011, iyada oo laga falcelinayo, gacantii adkayd ee uu maamulka Syria kula macaamilay debedbaxayaashii ka soo horjeedsaday xukunkiisa. Sannadkii xigay ee 2012, ayay ahayd markii labada dal ay kala qaateen safaaradaha.

Warbaahinta dawladda Syria iyo masuuliyiinta dalkaasi iyagu kama falcelinin arrintan.

Kacdoonkii dalka Syria ee markii dambe isu bedelay dagaalada sokeeye ayay ku dhinteen ugu yaraan nus malyan qof, waxaana ku barakacay kala badh shacabka dalkaas.

WARARKA