Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo Hub culus ku weerartay Marinka Gaza.

Isniin-13-May-2024 {HMC} Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.

Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.

WARARKA