Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

kiis MURUGO badan ”Naxariistii Hooyo qadiijo ay ugu dambayn nafteeda ku waysay,,

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa la horgeeyay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, kaas oo ah xubin ka tirsan AS, isla markaana dil ka gaystay degmada Hodan.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiija Siyaad oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan.

Sababta loo dilay marxuumadda ayaa lagu sheegay inay wada shaqeyn ka dalbadeen Al-Shabaab, balse ay ka diiday, ayada oo maxkamadda lagu soo bandhigay farriimo hanjabaad ah oo ay usoo direen, kahor inta aysan dilin.

Gabar ay dhashay marxuumadda oo la joogtay xilliga la dilayay ayaa sheegtay in eedeysanaha uu yimid, iyaga oo shaax ku cabayay guriga hortiisa, uuna waydiistay biyo uu cabo, kadibna markii ay u doontay uu hooyadeed sidaas ku dilay.

“Aniga iyo hooyo oo banaanka shaax ku cabeyno aa nin meel uu ka imaaday aan la ogayn aa soo kor istaagay, kadib wuxuu dhahay biyo isii waxay igu tiri orod biyo soo sii Muslim waayee markaa laba talaabood qaaday xabad ayaa dhacday waan soo noqday xabaddii 2-aad ayaa dhacday, isla markiina waa u orday” ayay tiri gabar ay dhashay marxuumadda.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

“Hooyadey degmada ayay ka shaqeyneysay, waana iska xamaalan jirtay” ayay mar kale tiri gabadha oo lagu wareystay maxkamadda.

Eedeysanaha oo isna ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo qaabka uu fuliyay dilkaasi “Sheeko iyo wax mana dhex marin biyo isii markaan dhahay maamada way isoo fiirisay, kadibna gabadha ayay ku dhahday orod biyo u keen” ayuu yiri.

Ninkan ayaa ka yimid degmada Jilib, wuxuuna sheegay inuu maalmo kooban uu joogay magaalada Muqdisho, uuna qaadaanayay mushaar ay usoo dirayeen AS.

“Mushaar waxaan qaadanaayay 3 bil, biishii koowaad waxaan qaatay 50 dollar, bishii labaad waxaa la’iisoo tuuray 70 dollar, bishii kalena waxay isoo direen 90 dollar” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu yiri “Maxkamdda waxaan ka codsanayaa inay arinta ii khafiifiso, maadaama aan kala ogayn dhulkaasna aan isaga soo koray, mana aaminsaneyn dowladda”

WARARKA