Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kooxda Manchester City oo qabatay hoggaanka horyaalka Premier League

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Kooxda Manchester City ayaa qabatay hoggaanka horyaalka Premier League kadib markii ay 4-0 kaga badisay Fulham, waxyan hadda hoggaanka ku haysaa 85 dhibcood. City ayaa sidoo kale soo yareysay farqiga goolasha iyada iyo Arsenal, waxaana hadda u dhaxeeyo oo kaliya 2 gool oo ay Arsenal ku sarreyso.

Arsenal waxa ay birri la ciyaari doontaa kooxda Manchester United , haddi ay badisana waxa ay kusoo laabaneysaa hoggaanka horyaalka sida ay markii horeba ay ugu hoggaamineysay hal dhibic inkasta oo kooxda City ay u harsantahay hal ciyaar oo dheeri ah, Taas oo siineysa fursad wanaagsan in markii afaraad oo isku xiggo ay horyaalka ku guuleeysato.

WARARKA