Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hay,ada SoDMA oo 1,200 Qooys gargaar u qeybisay

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeelladda Dhexe waxa ay gargaar ugu qeybisay 1,200 oo qoys oo Bilo ka hor ka soo barakacay colaadii ka dhacday degaanka Eji oo dhaca soohdinta ay wadaagaan gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Qoysaskaan ayaa la gaarsiiyey gargaar iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka iyo Teendhooyin, si dib u dajin loogu sameeyo, waxana maalmihii danbe ay wajahayeen xaalad adag waxaana Jimcihii Toddobaadkii hore ka jawaabay qeylo dhaantaan Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Goobta lagu qeybinayey gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxana ay u mahadnaqeen hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka oo deqdaan shacabkaan soo gaarsiisay.

 

WARARKA