Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Xariga Ka Jaray Dhismayaal Casrib Ah.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa xariga ka jaray dhismayaal casri ah oo uu Bangiga {Premier Bank} ka hirgeliyay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Premierbank doorka uu ka qaadanaaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirado Maalgashiga dalka, taasi oo ah mid dunida tusaysa Horumarka iyo Isbedelka Amni ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Bangiga, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.

WARARKA