Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Booliska ee Dalka UK oo xabsiga dhigay tobanaan qof oo hor-istaagay gaadiid lagu qaadayey ‘dad magangelyo doonka ah’

Jimco 3, May 2024 {HMC} LONDON — Ciidamada Booliska ee Britian ayaa xabsiga u taxaabay illaa 45 qof Khamiistii, kuwaas oo isku dayayey inay hor-istaagaan, in dadka magangelyo doonka ah laga qaado goob ay deganaayeen.

Tobanaan qof ayaa isu-soo baxyo ka sameeyey barxadda hore ee Hotel ku yaalla Koonfurta London, iyaga oo xilligaas doonayey inay joojiyaan bas ay saarnaayeen dad magangelyo doon ah, waxayna wararku sheegayaan inay dadka debedbaxa samaynayey ay naqaska ka siidaayeen taayirada gaadhiga isla markaana ay isku hareereeyeen.

In xal loo helo dadka sida sharci-darrada ah ku imanaya Britian, ayaa ka mida qodobada ugu xasaasisan ee horyaalla xafiiska ra’iisal wasaare Rishi Sunak, waxaana kharash badani kaga baxaa, goobaha ay dejiyaan dadka magangelyo doonka ah, inta ay sugayaan in kiiskooda meel la saarayo.

Dhawr askari ayaa waxyeello soo gaadhay, xilli ay isku dayayeen inay xakameeyaan dadka mudaharaadayey. Booliska ayaa sheegay, in sababaha ay dadka u xidheen inay ka mid tahay, inay xannibeen isu socodka gaadiidka, inay ka horyimaaddeen booliska ama ay waxyeello soo gaadhsiiyeen.

WARARKA