Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRRADA} Madaxweynaha Hirshabelle oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyay Balcad

Talaado-23-April-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe oo dhawaan laga hirgaliyay mashaariic kala duwan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay maamulka iyo shacabka degmada.

Socdaalka waxaa ku wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xariga ka jaray Garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo kaas oo horumar u ah dadka degmada Balcad iyo mashaariic kale oo dhawaan halkaas laga hirgaliyay.

WARARKA