Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DEG DEG: Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabay wasiirro cusub

Axad 7, April ,2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu soo dhameystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaanaa, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Xamza ayaa soo magacaabay illaa 4 wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo ay kamid yihiin:-

Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Sidoo kale Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Macallin ayaa isaguna loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.

“Wareegtadan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo ra’iisul.wasaaraha, XJfS wuuna saxiisay” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKA