Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kooxda AS oo weerartay xaruntii Hay’adda NISA ee Balcad

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Kooxda AS ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Balcad, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. kooxda ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis amni oo ku yaalla magaalada.

Ilo wareedka ayaa xusay in dableyda ay u muuqdaan inay dib uga gurteen magaalada kadib duulaanka. Wararka qaar ayaa tibaaxaya in meelaha la beegsaday ay kamid tahay xaruntii Hay’adda NISA ee degmada Balcad uuna soo gaarey burbur baaxad leh.

AS ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen saldhigga iyo “inta badan” xaafadaha magaalada.

Balse ilo deegaanka ah ayaa hadda sheegaya in AS ay dib u gurteen isla markaana ay ka baxeen magaaladda

WARARKA