Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa AS oo isku soo dhiibay ciidanka Xoga

Talaado 2, April 2024 {HMC} Deegaanka Xinlabi ee koonfurta gobolka Mudug waxaa xalay lagu soo dhaweeyay laguna soo bandhigay sargaal la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo xiriir lasoo sameeyay ciidanka deegaanka.

Ninkan ciidanka deegaanka isku soo dhiibay oo lagu magacaabo Ismaaciil Xasan Cali, ayaa in muddo ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna kamid ahaa raggii Al Shabaab uga dagaallamay deegaanno dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka deegaanka beesha degta Xinlabi ayaa ninkan ku wareejisay ciidanka nabad sugida qeybta Galmudug, waxa ayna ciidanka NISA ninkan u qaadeen xaruntooda weyn si ay u marsiiyaan habraaca isa soo dhiibayaasha.

Isa soo dhiibida sargaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay ciidanka deegaanka duleedka Xinlibi ku qabteen ilaa toban nin oo la sheegay in Al Shabaab la shaqeenayeen , kuwaa oo hadda ku jira xabsi kuna socdaan baaritaanno.

 

WARARKA