Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo ka digtay in “mustaqbalka Soomaaliya uu halis ku jiro”

Isniin 1, April 2024 {HMC} Ergayga sare ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxaa ay shalay booqatey Puntland si ay ula yeelato wadahadallo ku saabsan baahiyada horumarka iyo arrimaha bani’aadamnimada ee dowlad-goboleedka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

“Waxaan fursad u helnay in aan dood furan oo toos ah wada yeelanno. Waxaan Madaxweyne Deni ugu hambalyeeyay magacaabista golahiisa wasiirada ee cusub,” ayay tiri Ergeyga Gaarka Ah Ee Xoghayaha-Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Iyadoo ka hadleysa codeynta baarlamaanka Federaalka iyo bayaankii ay ka soosaartey dowladda Puntland, ayay hoosta ka xariiqday walaacyada labada dhinac ee ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ah iyo sidoo kale hannaanka lafahaantiisa.

“Waxaa aad ii farxad geliyay in aan madaxweynaha ka maqley in ay ka go’an tahay in uu isku dayayo in arrintan si un looga gudbo si loo xaqiijiyo in uu sii socdo wada-xaajoodka uu la yeelanayo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay oo dalka oo dhan u wada dhan yihiin si loo xaqiijiyo in marka dambe la helo dastuur heer federaal ah oo qeexaya islamarkaanna xaqiijinaya mid kastoo ka mid ah dowlad-goboleedyada in maamul-hoosaadkooda ay leeyihiin oo ay qaybtooda ka qaadan karaan,” ayay tiri Mas’uulka.

Dhanka kale, Ms. Laing ayaa caddeysay in masiirka Soomaaliya uu wajahayo khatar weyn haddii aanan la helin wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta Dowladda Federaalka iyo maamuladda gaar ahaan Puntland.

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin,” ayay tiri Ms. Laing.

Fariinta Beesha Caalamka ayaa durba kala qeybisay siyaasiyiinta Somaalida. Villa Soomaaliya iyo dadka taabacsan ayaa ka qaatay qeybta bogaadinta halka mucaaradka ay ka qaateen dhanka digniinta. Balse xaqiiqadu waxay tahay in wadaxaajood loo baahan
yahay.

WARARKA