Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Bannaanbaxka dhan ah Netanyahu oo ka dhacay Jeruselam

Isniin 1, April 2024 {HMC} Tobnaan kun oo Israaโ€™iiliyiin ah ayaa ka qeybgalay bannaanbax Axaddii ka dhacay magaalada Qudus, dibadbaxaas oo noqday kii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xukuumadda Benjamin Natanyahu, tan iyo marki ay Israil duullaanka ku qaaday Gaza bishii October.

Dibadbaxyaasha ayaa ku boorriyay dowladda in ay aqbasho xabad-joojin si loo soo daayo Israaโ€™iiliyinta Gaza ugu afduuban Xamaas, iyo sidoo kale in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Qoysaska la heystayaasha ayaa rumeysan in waqtiga uu kasii dhamaanayo isla markaana aysan la dhacsaneyn siyaasadda Netanyahu.

Dibadbaxyaasha ayaa ku eedeeyay Netanyahu in uu ku fashilmay weerarki 7-badi October, isla markaana muranki ka dhashay isku daygiisii waxkabaddalka garsoorka ay wiiqday Israโ€™il ka hor weerarka. Qaar kale ayaa ku eedeynaya inuu dhaawacayo xiriirka isbaheysiga ugu weyn Israโ€™il oo ah Mareykanka.

Israel ayaa duullaan cirka, dhulka, iyo badda ahba ku qaadday Gaza, kaddib marki ay 7-badi October ee sannadki hore ay Xamaas weerartay koofurta Israil, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 isla markaana kasoo afduubatay ilaa 250 Israโ€™iliyiin ah.

Raโ€™isulwasaare Benjamin Netanyahu, ayaa wacad ku maray inuu cagta mari doono Xamaas, kaddibna soo guryo naqi doono dadka laga afduubtay.

Hase yeeshee, Xamaas ayaa sheegtay in qaar ka mid ah la heystayaasha ay ku dhinteen madaafiicda Israil ay ku garaaceyso Gaza, halka tobneeyo kalana dhamaadki sannadki hore lagu sii daayay wadahadallo iyo maxaabiis la is weydaartay.

WARARKA