Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Shiikh oo Saxiixay ansixintii cutubyo ka mid ah dastuurka

Axad 31, March 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Siyaasiyiin mucaarad ah iyo maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay talaabada ay labada aqal ee baarlamanka Somalia ku ansixiyeen afar cutub oo qeyb ka ah wax ka bedelka dastuurka dalka.

WARARKA