Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Banaabax Xoogan oo ka socda Muqdisho.

isniin-25-March-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka ka socda abaabul culus oo ku aadan dibad-bax uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacaya taalada Daljirka Daahsoone e degmada Boondheere.

Dibad-baxan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu taaageeeyaa wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka, kaas oo ay qorshihiisu waddo Villa Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in dibad-baxa ay ka qayb-galaan boqolaal dadweyne ah oo isaga kala imaanaya degmooyinka gobolka, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa dadkaas la hadli doono mas’uuliyiinta gobolka, wasiiro iyo xildhibaano iyaguna ka qayb-galaya banaanbaxa hadda qaban qaabadiisau ay ka socoto caasimada.

Dhinaca kale waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka muhiimka ah, gaar ahaan kuwa gala taalada Daljirka Daahsoon oo ah fagaaraha loo qorsheeyay in lagu qabto dibad-baxa, halkaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Horay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa iclaamiyay dibad-baxan oo uu tilmaamay in lagu garab istaagayo qorshaha madaxweynaha ee ku aadan dastuurka, kaas oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo horleh.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka doodaya arrinta dastuurka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu u codeeyo afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Si kastaba, waxaa iyana dhankooda diidan qorshahan xubnaha mucaaradka ah oo ay hadda hoggaaminayaan Shariif, Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

WARARKA