Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Lix sarkaal oo sare oo lagu waayey dagaalka ka dhanka ah AS ee hadda socda iyo sidii ay u dhinteen

isniin-25-March-2024 {HMC} Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah AS ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa furimaha dagaalka ku geeriyooday tiro ciidamo oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sar sare oo da’yar.

Shalay oo ugu dambeysay, waxaa weerar ka dhacay deegaanka Busleey ku geeriyooday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Boosliska ee sida milatariga u tababaran oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Golcad oo la xaqiijiyay dhimashadiisa.

Hadaba qormadan waxaan ku xusi doonnaa qaar ka mid ah saraakiishii iyo taliyeyaashii ciidanka Qaranka Soomaaliya e ku dhintay ama lagu waayey dagaalka ay kula jiraan AS tan iyo markii uu madaxweyne Xasan iclaamiyey sannadkii 2022.

Sannadkii tagey ee 2023 wuxuu ahaa kan ay dhinteen taliyeyaasha ugu badan intii uu socday dagaalka, waxaase jiray kuwa furimaha dagaalka lagu dilay sannadkii kasii horeeyay.

Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)

Soddonkii bishii Sebtembar ee sannadkii 2022, waxaa la dilay Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole.

Afhayeenkii hore ee Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, ayaa BBC-da markaas u xaqiijiyay dhimashada Jenaraalka.

Farxaan waxaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdish.

Qaraxa kahor ayuu Farxaan Qaroole ka degay gaarigiisa oo ahaa nooca aysan xabbaddu karin, isaga oo dhiirragalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan. Farxaan Qaroole waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayay ee ka socday agagaarka Basra.

Waxa uu ahaa taliye saamayn badan oo dhimashadiisa ka tacsiyeeyeen qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda iyo madaxdii hore.

Col Abshir Shataqey

Toddoba iyo tobankii Jannaayo ee sannadkii tagay 2023, taliye sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar ay AS ku soo qaadeen saldhig militari oo ku yaalla gobolka Sh/dhexe ee Soomaaliya

Col Abshir Shataqey iyo xubno kale oo ka tirsan ciidanka ayaa la dilay markii AS ay soo weerareen xarun militari oo ku taalla degaanka Xaawaadley..

Saldhigga ayaa hore looga qabsaday AS bishii Oktoobar ee sannadkii ka horeeyay iyadoo dagaalka cusubna uu ku soo beegmay ka dib markii dowladda Soomaaliya sheegtay in ay qabsatay magaalada dekedda leh ee ku taalla bartamaha Soomaliya ee Xarardheere oo ay AS heysteen muddo aad u dheer .

Kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo 75-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Xasan Tuure

20 kii bishii Janaayo ee 2023 ayaa weerar ay AS ku soo qaadeen saldhigga ciimada Soomaaliya ee Galcad waxayna ku dileen 25 askari oo uu ku jiray gaashaanle Xasan Tuure, oo ahaa taliye kuxigeenkii ciidamada kumaandoosta ah ee Danab.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ayaa ka tacsiyeey geerida Xasan Tuure, iyaga oo sheegay ‘in uu noloshiisa u huray Soomaaliya iyo dadkeeda’.

Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Larry André, ayaa aabaha dhalay taliye Xasan ku qaabilay xafiiska safaaradda ee Muqdisho.

Xasan Tuure ayaa kamid ahaa saraakiisha sarsare ee aqoonta ciidan ee durugsan leh, ee ay tababartay dawladda Maraykanka.

Geeridiisa kadib waxaa loogu magacdaray xerada ugu wayn ee ciidamada Danab ku leeyihiin Soomaaliya ee Balidoogle.

Weerarkii lagu dilay ayaa ku bilowday qarax xoogaan oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen, kadibna waxaa xigay in ciidamada Shabaab gudaha u soo galeen xerada.

Waqtiga uu weerarkaas dhacay ayaa ahayd maalmo uun ka hor markii dalwadda Soomalaiya ay la wareegtay magaalooyinka Xarardheer iyo Galcad.

AS waxay haysteen inta badan magaalooyinka ku hareereysan Galcad oo tan ugu dhaw ay u jirto 100 km.

Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe)

Gaashaanle Shaah-macabe oo ahaa taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii AS ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow Ceel-dheer, gobolka Galgaduud ee saddex toddobaad kahor dhacay.

“Ninkii waa la raadshay iyo lama raadin midna lama dhihin,” ayuu yiri Cadoow Deeq oo ay isku hooyo yihiin Taliye Shaah ma cabe. “wax hadda ninkii waa dhintay ama waa noolyahayna kama hayno,”

Dhanka kale wuxuu sheegay Cadoow oo ka tirsan qoyska Gaashaanlaha in warar kala duwan ay ka maqleen xogta walaalkiis, taas oo ay ilaa iyo hadda ku jahwareersan yihiin.

Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaas oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah AS, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud, iyaga oo qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda AS.

Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug)

Abaanduulihii Ururka 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug), ayaa toddobadii jannaayo ee sannadkan aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho, isaga oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug maalintii kasii horaysay ee 6-dii Jannaayo.

Aaska Suulnuug waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo dadweyne kale.

Xilliga la dilayay taliyaha wuxuu hoggaaminayay howlgallada ka socda gobolka Mudug ee dowladdu ay kula dagaallameyso ururka AS, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac uu u geeriyooday mar dambe.

Liibaan Golcad

Ururka AS ayaa 23-kii bishan Maarso waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose, gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Busleey.

Saldhigga la weerary oo la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo isugu jira Militariga Somaliya, Booliska sida militariga u tababaran, iyo Nabad Suggida, ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha u galeen dableydu.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Golcad ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka. Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro ciidan ah la la’yahay weerarka kadib.

AS ayaa sheegatay in ay ku dishay in ka badan 57 askari, in kasta oo aan la xaiijin karin sheegashadooda. Dawladda Soomaaliya ayaan ka hadlin isla markiiba.

Dagaalka ay dawladda Soomaaliya kula jirto AS ayaa ah mid weli socda iyada oo gaabis laga dareemayey muddooyinkii u dambeeyay kadib markii ay ciidamada dawladdu soo banneeyeen qaar ka mid ah fadhiisimihii ay ku lahaayeen furimaha dagaalka.

WARARKA