Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Xamse oo war kasoo saaaray Senator ka tirsan Aqalka sare oo geeriyooday

Axad-24, March-2024 {HMC} Raisul wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaliyeed ee uu ka baxay Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ku geeriyoodey waddanka Maraykanka

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ku geeriyoodey waddanka Maraykanka” ayaa yiri yiri Xamse oo qoraal soo saaray.

“Allaha u naxariistee marxuumka oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janno, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, golihii uu xubinta ka ahaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed’ ayuu intaas ku daray RW Xamse.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS, Sanatarrada, Maamulka iyo howl wadeennada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa Senatorrada Aqalka Sare kaasoo ku geeriyooday Dalka Maraykanka oo uu waayadan dambe ku xanuunsanaa, waxayna marxuumka Alle u waydiinayaan in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu naga wada siiyo.

WARARKA