Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliye Guutada Abuu Dujaana kula dardaarmay kordhinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Arbaco-20- March-2024 {HMC} Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Aadan Xuseen {Ciiro} oo la hadlay saraakiisha ciidanka Guutada Abuu dujaana ee 27aad ciidanka Xoogga ayaa kula dardaarmay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka.

Gen. Cabdullaahi ayaa sheegay in Taliyaha cusub ee lagu wareejiyay Guutadaan looga fadhiyo in uu la yimaado khibrado ciidan oo uu ku hagayo qorshaha duullaanka ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay weli joogaan.

Cirro ayaa ciidamada, abaanduulaha Guutada iyo dhammaan ciidanka kale ee howl-wadaagga yihiin usoo jeediyay in ay dhaqangeliyaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira in laga gungaaro howlgallada socda.

Deegaanno kala duwan oo katirsan Gobollada Dalka waxaa kormeer ku maraya Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo dib u abaabulaya howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ciidamada Federaalka & kuwa Deegaaanka dib ugu qabsanayaan goobo ay horay u qabsadeen balse dib isaga baxeen.

WARARKA