spot_imgspot_imgspot_img

Akoonadii hay’dihii mashaariicda ka Fulin Jiray Puntland oo Haawanayo.

Isniin, 18 March ,18, 2024 {HMC} Cabdi Faarax Siciid Juxa Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay’adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay Puntland ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah.

 

Mr Juxa wuxuu sheegay dowladda federaalka in ay masuul ka tahay in ay hoos u dhacaan mashaariicdii Puntland ka socon jirtay, isagoo sheegay inay kusoo rogtay cuqabateyn dhinaca walba leh.

 

“Innagu siyaasad baanu isku haynay, iyagu waxay galiyeen qalinkii iyo daawadii, raashinkii, wixii basic-ga ahaa ee aanu xaqa u lahayn. Marka mashaariicda istaagtay qeyb waxaaa ka ah khilaafka annaga iyo federaalka naga dhaxeeya,” ayuu yiri wasiir Juxa.

 

Wuxuuu intaa raaciyay Wasiir Juxa Puntland in ay isku tashanayso oo ay dib boorka uga jafayso kaabayaasheeda dhaqaalaha si ay isugu filnaanto, ugana maaranto taageerada hay’aduhu bixin jireen.

 

[td_block_5 modules_category="image" modules_on_row="eyJhbGwiOiI1MCUiLCJsYW5kc2NhcGUiOiIxMDAlIn0=" modules_category1="image" show_cat2="none" show_com2="none" show_author2="none" columns="50%" columns_gap="eyJsYW5kc2NhcGUiOiI0MCIsInBvcnRyYWl0IjoiMjgifQ==" image_width2="eyJwb3J0cmFpdCI6IjM1In0=" modules_space1="eyJwaG9uZSI6IjIxIiwiYWxsIjoiMjEifQ==" limit="16" show_excerpt1="" show_excerpt2="none" hide_audio="yes" category_id="5" show_com1="none"]

WARARKA