Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

TAAKEEYE oo si yaab leh u bedelay fikirkii xagjirka ahaa ee uu ka faafin jiray…

Axad-17-March, 2024 {HMC} Sufyaan Axmed Taakeeye oo la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dafiray fikirkii uu la joogi jiray baraha bulshada, kaas oo muujinayey in ninkaan uu khatar ku yahay umadda, maadaama uu cadeysa jiray xagjirnimo.

Taakeeye oo markii hore aaminsanaa in AS iyo dowladda ay yihiin dhinacyo isla mid ah oo dagaal ka dhaxeeyo, isla markaana uu wato xisbi kale oo doonaya in dalka uu ku maamulo shareecada islaamka ayaa maanta muujiyey inuu ka soo dabcay fikirkaas.

Waxyaabaha la yaabka leh ee uu Maxkamadda ka hor sheegay Sufyaan waxaa ku jirtay in dastuurka dalka uu wax ka dhameystirayo, maadaama uu yahay aqoonyahan weyn, halka markii hore uu aaminsanaa in dastuurka Soomaaliya uu uusan ‘waafaqsaneyn shareecada islaamka.’

“Xeer ilaalintu waxay iga bixisay sawir qaldan, waxay iga dhigeen nin doonaya in dalkaan uu qaribo, maahi ninkaas guddoomiye, waxaan ahay aqoonyahan, waligeyna argagixiso ma taageerin,” ayuu maxkmadda ka hor yiri Sufyaan.

Sufyaan Taakeeye ayaa muuqaalo tixane ah oo horay uu u baahiyey wuxuu ku sheegay in qaraxyada AS-ka uusan waxaba u arkin, maadaama ay dagaal kula jiraan dowladda, isagoo markaas AS iyo dowladda ka dhigayey in aysan kala rooneyn.

Xisbigiisa wuxuu ula baxay ‘Talo Ku Nool’ wuxuu sheegay in uusan u ogoleyn inuu soo galo qof ka shaqeeya dagaal ama doonaya inay dagaal wax ku raadiyaan, isagoo sheegay inay sameynayaan xeelad kasta oo xukunka Soomaaliya ay kula wareeji lahaayeen.

“Waligey argagixiso ma taageerin, qeyb kama noqon, waana ka soo horjeedaa in qof Soomaali ah la dilo, shacabka kaliya maaha, ciidanka xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowladda, in la dilo raali kama ihi,” ayuu yiri Taakeeye.

Ninkaan ayaa 3-dii October 2023 laga soo qabtay magaalada Nairobi, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo  la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida.

WARARKA