spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiye Cali Shacbaan oo Booqday Dhawacyada yaala Isbitaalka Digfeer.

Jimco 15 March, 2024 {HMC}  Ku simaha Guddoomiyahq Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ka fulisay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay una waraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, isaga oo alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo, wuxuuna uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.


DHAMMAAD

WARARKA