Khamiis, 14, Maarso, 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay magaalada Cabudwaaq uu ku geeriyooday Wariye C/kariin Axmed Bulxan oo dhaawac shalay uu u geystay nin waardiye ka ahaa xarun uu maamulo marxuumka.
Toogashada ayaa ka danbeysay kadib muran soo kala dhex galay danbiilaha iyo marxuumka, taasoo keentay inuu rasaas madaxa kaga dhufto
Mr. Bulxan waxa uu maamule ka ahaa xarunta Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug.
Waxa uu sidoo kale wakiil u ahaa Warbaahinta Qaranka oo uu uga soo warrami jiray magaalada Cabudwaaq.
Sidoo kale waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda, wuxuuna ku caan baxay ‘Naftaada Bar Nabadda’ magacaas oo uu kusoo geli jiray aaladda Facebook-ga.
Ciidamadda amaanka ayaa wada howlgalo ay kusoo qabanayaan gacan ku dhiiglaha oo toogashada kadib goobta isaga baxsaday.