Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW XAMZA oo kulan xasaasi ah la qaatay wasiirada 4 maamul goboleed + Ujeedka

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiirada arrimaha gudaha ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirada 4 maamul goboleed oo kala ah mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale waxaa wasiiradan horkacayay wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi oo isna qayb ka ahaa kulanka ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid is xog wareysi ah oo ku aadan wada shaqeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay horumarinta dalka, si guul looga gaaro yoolalka waa weyn ee la hiigsanayo.

Kulankan waxaa ka horreeyay shir.kale oo u dhexeeyay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo Axmed Macallin Fiqi, kaas oo loogu nagac daray “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi.

Dhinacyada ka qayb-galay shirka ayaa ugu dambeyn isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose ee dalka.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana usii dheer dagaalka kooxda AS oo dib u qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo dhaca gobollada dhexe.

WARARKA