Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faah­-Faahino dheerad ah oo kasoo baxaya Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ingiriiska

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Kooxo toorey ku hubesan ayaa magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ku dilay wiil Soomaali ah , waxaana socda baaritaanno booliiska magaaladaasi wadaan oo ku aadan kiiskan dilka ah.

War kasoo baxay booliiska magaalada Sheffield ayaa lagu sheegay in Sacad Cali oo 24 jir ah u dhintay dhaawac culus oo toorey lagu gaarsiiyay, waxaana ninkan la sheegay in meelo badan oo jirkiisa kamid ah toorey lagu dhuftay.

Madaxa dambi baarista magaalada Sheffield Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa sheegay in falkan dilka ah uu ahaa mid argagax lahaa, waxa uuna xusay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah.

Dalka Ingiriiska magaalooyin katirsan ayaa marar badan lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dilalkaasi qaarkood ku lug lahaa kooxo gaangistaro ah ay ku jiraan dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed.

WARARKA