spot_imgspot_imgspot_img

Maxay ka dhigan tahay in Ciidanka DF kasoo baxaan deegaano ay qabsadeen?

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka soo bexeen dhowr goobood oo ka tirsan deegaanada Galmudug.

Deegaanada la tilmaamayo in ciidanka kasoo baxeen waxaa ka mida Bacaadweyne iyo dhowr fariisimood oo kale.

Haddaba xili uu hakad ku jiro dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee dowladu ku dhawaaqdey horaantii mudo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh in haddana goobihii hore loo xoreeyey ay dib uga soo baxaan ciidamada dowlada maxay uga dhigan tahay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab?

Waxaan su’aashaas weydiiyey Cabdisalaam Guuleed taliye ku-xigeenkii hore ee NISA sidoo kalena ka faalooda arrimaha Amniga.

WARARKA