Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne kuxigenka Hirshabelle oo Shirgudoomiyey Kulan udhaxeyey Hirshabeelle iyo Hay,adaha UN-ka

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada dowladda Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar, waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardar-gelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso.” ayuu yiri Yuusuf Dabageed

Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa bogaadiyay masuuliyiinta ka kala socotay UNOCHA iyo WFP, kuwaas oo Jowhar u tagay shirka labada dhinac.

WARARKA