Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey tahay wejiga cusub ay yeelatay Doodda wax ka beddelka dastuurka

isniin-11-March,-2024-{HMC} Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa maanta guda-galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Kulankan oo ahaa midkii 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayada oo ay ku wehlinayeen ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Cutubkan oo ka kooban afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa sidoo kale soo jeediyay aragtidooda ku aaddan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee cutubka afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad.

Doodda Cutubka Afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan-geliyay in ka badan boqol mudane, taasi oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay.

Iyada oo guddiga la-socodka dastuurkana ay diiwaan-geliyeen dhammaan hadal qoraallada iyo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in xildhibaano badan ay doodda ay u dhiman tahay in la iskugu soo laabto kulanka xiga.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.

WARARKA