Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{SAWIRRO} RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi caalami ah oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran

isniin-11-March,-2024-{HMC} Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay wafdi caalami ah oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte.

Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa, taasi oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in loo baahan yahay ficil iyo taageero wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay qorshe guud oo istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo, isla markaana adkeysi loogu yeelanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimillada.

Isbedelka cimilada adduunka ku dhacaya sannadahan dambe ayaa saameyn xooggan ku yeelanaya dalkeenna Soomaaliya oon u diyaarsaneyn kahor-taga dhibaatooyinka ay sababi karaan isbedelka cimilada .

WARARKA